Press "Enter" to skip to content

Haw Liicina

Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada Cabdullaahi Dhoodaan uu tiriyey xilliggii uu guubaabinayey waxna ka abaabulayey dhaqdhaqaaqii xornimo raadiska ahaa ee ka socday gobolka Soomaali Galbeed, waa 1959kii. Xilliga uu Cabdullaahi gabaygan tirinayo wuxuu ahaa 17 jir wuxuuna joogay Xoddayo oo ahayd madal ay isugu yimaadeen rag badan oo halganka gobolka ku hawlanaa oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyihii Xisbu Taxriir Nasrullaahi fii Iqliimi Ogaadeenya (OLF) Cabdinaasir Xaaji Maxamuud iyo Ibraahim Xaashi Maxamuud.

Cabdullaahi Dhoodaan shirka si rasmi ah ayaa loogu martiqaaday oo waxaa loo diray gaadhi khaas ah oo kasoo qaaday Walwaal oo markaa qoyska Macallin Axmed deggenaa. Mar haddii uu 17 jir yahay, shirka aqoonyahanada, culimada iyo indheergaradku isugu yimidna laga casuumay oo weliba aad loogu adkeeyey inuu kasoo qaybgalo, waxaad garan kartaa inuu ahaa gabayaa warkiisa iyo gabayadiisaba horay loo maqlay oo eray quwad leh iyo aragti hufan lagu xushay.

Kolkii uu tegay shirkii Xoddoyo wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan la kulmay waxgarad, mutacalimiin iyo dhalinyaro badan oo ka kala yimid dhammaan degaanka Soomaali Galbeed. Cabdullaahi aad ayuu ugu farxay abaabulka iyo agaasinka Xoddayo ka hirgalay wuxuuna mariyey gabaygan oo aad u dheeraa halkudheg badanna leh. Waxaa lagu garan og yahay meeriska ah: Haw liicinaay Xabashi waan lagatamaynaaye. Inta yar ee gabayga aan ka hayno waxay tahay:

  • Inaan laaqsho mooyee waxaan, meel u ladi waayey
  • Leyl iyo nahaarkii waxaan, maansadaw laliyey
  • Lushna shira dhexdeedaa waxaan, uga likaysnaaday
  • Isticmaarku siduu noo lunshaan, laxaw ku sheegaaye
  • Wallee inayna laakiin ahayn, laydha socotaaye
  • Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe
  • Lalabahaa waxaa shiday raggay, looxa u dhigeene
  • Shacbigii lulmaysnaa wakaa, qaylo laasimaye
  • Lugbaw kabantay Soomaalidii, baratay luufluufe
  • War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye
  • Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay
  • Intay legaga buurbuuranyiin, luun iska ahaad
  • Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora
  • Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina
  • Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda
  • Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda
  • Quruumaadka laydhiga Carbeed, laabis kala qaata
  • Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba
  • Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e
  • Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa
  • Laakiinse maantaynu layn, waa laf-qabaleeye
  • War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r