Press "Enter" to skip to content

Hal Gabay

Soomaalidii hore haddii ay geel soo qaadaan ninka gabayaaga ah sadka iyo sahmiga uu geela ka helo ee uu ula siman yahay ragga kale waxaa u dheeraa oo lagu maamuusi jiray hal, hal-gabay la yidhaahdo. Geelii Indha Badane ee Ogaadeenku ka dhacay Isaaq ayuu Maxamuud ka calaamadsaday hal-gabay Isagoo tilmaamaha hal-gabayda uu qaadan doono qeexaya waa kii lahaa:

  • Hashaan geela ka qaadan

  • Ee tolkay ii qaban doono

  • Tilmaanteeda aan qeexo

  • Qamiis ma aha madow

  • Qamiir ma aha guduudan

  • Qarjaf ma aha cag weyn ah

  • Qonjar ma aha cayuun ah

  • Qayax ma aha caddiin ah

  • Qumud goodir la moodo

  • Qoran oo kala jiidan

  • Oo qadow laaca taqaana

  • Qulqul aan ash ahayniyo

  • Baarkaa gees u qallooca

  • Waagay qaalin ahayd bay

  • Nirig qoor jabanaysay

  • Qaayibbaa la yidhaa

  • Afar qoone wadaag iyo

  • Qardhaas bay u xidheen

  • Qoodhadhkaa kala jeedda

  • Qaskii baysku wareegay

  • Kii qooraanso yidhaahdaba

  • Qosol buu u dhacaayoo

  • Cadaabtay noo qariyaan.

Ma dhamaystirna geeraarku.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r