Press "Enter" to skip to content

Ha lays galo

Waxaa la yidhi Ugaas Xaashi oo ahaa ugaas Qorraxeey ka talin jiray ayaa Qamaan ku yidhi: ‘Qamaan, Reer Xandulle sadada kasoo uruuri.’ Reer Xandulle waa jilibka hoose ee Qamaan ka dhashay, sadaduna waa xoolo canshuurta oo kale ah oo ugaaska iyo boqortooyadiisa lagu dhaqaaleeyo. Qamaan wuxuu ku jawaabay ‘Ugaas qaybtaydii waa tan, Reer Xandullena adaa ugaas u ah ee ciidan sadada kasoo uruuriya u dir.’ Ugaas Xaashi wuxuu u qaatay in hadalkaa cudur ku jiro, xabsiga ayuuna Qamaan u taxaabay. Qamaan isagoo arintaa qaadan la’a ayuu gabaygan soo socda mariyey. Waa gabay colaadeed aadse u murti badan. Colaadda faraha ka qaad oo murtida gabayga ku xasil. Wuxuu yidhi:

Gartay weeye inaan Maxamedow, galangalceeyaaye

Garanmaayo gegidaan hurdee, gogol la’aaneede

Goor iyo ayaan waxaan jiraa, gooxa dibadeede

Gankii Caamir baan ahay asaan, go’inin waagiiye

Waxaa ila gudboon ciil inaan, gag u idhaahdaaye

Sidii goodir guul ooman iyo, gebogebow jooga

Ama giiryar oo labo qaddoo, gamashi kaynaana

Ama guuto soo bixitintoo cido, ku guuraysa

Ama roob gudgude oo saqdhexe, galo biyeynaaya

Ama goray gabnihii laga qabtoo, ganid ka yaabaaya

Ama naag ninkeedii go’oo, gocosha ooyeysa

Ama aar intuu reer gondolay, miciyo weyn geystay

Ama faras mirtuu goosan jiray, xadhiga loo gaabshay

Ama gaadhkii laga hayn jiriyo, gaardigii Maxamed

Ama ceel galloobey oo qodada, lagu garaacaayo

Arrin igu gardaadaan jifida, gawda ku hayaaye

Birtay iga gasheen bay minjuhu, ila gariiraane

Mase gaasa-bixin oo ninkaa, gaambin baan ahaye

Galaal xoorka way ila qabaan, gebi Bah Gaalaade

Kuwii boqorka gaafa u lahaa ima, gol dhaamaane

Geed iyo guddooniyo gambare, waw gudboonahaye

Anoo madiya libintaan gasbado, way garaad li’iye

Haddayse gacani waa jeer dambee, godob walaal raadin

Barkhadleba gubney wada dhasheen, guul ku odhan waaye

Arbow Caafi galabbaan ciyaar, guduri hiigeene

Gaashaanna waad wada qabtaan, gaaska Reer Cumare

Cabdi Kaahin gaar kama noqdeen, guudka xaajada e

Gar ma marinin guuyana ma siin, mana garaabayne

Goodaado dhexe bay baryeen, gaankii Reer Dalale

Kuwaasaana iila giir adkaa, garashadaydiiye

Bal maxay la gabangaabsadeen waa, hal gudo weyne?

Haddoon laba galloobiyo anoo, gabana oo wiila

Intaasaan xaqood gudi lahaa, gooshigii da’a e

Eeggana gadhkiyo xaaddu way, galayaxoobeene

Farow gaabta wixii bataa, geel bariis noqoye???

Reer Magan ha kala geed hadhsado, layla garan waaye

Ha gadooto oo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin

Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane

Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r