Press "Enter" to skip to content

Ha is Raacdo

Ha is Raacdo abwaanku wuxuu tiriyey 1992 isagoo jooga magaalada Qabri-Dahare. Waa gabay isugu jira toosin, tusaalayn, dhaliil, iyo gubaabo oo uu kula hadlay Jabhadda Wadaniga ah Xorraynta Ogaadeeniya (JWXO) iyo shacabkaba. Wuxuu yidhi:

Allifaadi maansooyinkaan, soo abaabulaye Maqaasiino awdnaan jiraan, furay albaabkiiye Afku way xadaayaa markii, uurku buuxsama e Waxaan la amakaagaan arkee, ma iftitaaxeene! Eegana iraadada Allaan, ku unki doonaaye Insha Allaahu waaniyo talaan, ku anbaqaadsiine Idam Eebe meel aaya laan, ku ebyi doonaayee Abwaan gabay yaqaanoo dhan iyo, axadka maansooda Arartiyo tusaalooyinnada, amase aas’aaska Iyo aadmiguba say yihiin, wadar ahaantooda Nin waliba aqligii buu hadlaa, oo arimiyaayee Abuur gaara buu leeyahay, oos ku ijtihaadaye Oo wuxuu is leeyahay adaa, ugu itaal roone Ha yeesheese layslama eke, axadba waa heere Ikhtilaafka saasowgu wacan, lays af garan waaye Waxse lagu uruurshaa ra’yiga, ama is raac keena In la helo awood gobonimo iyo, xeer Islaamiyahe Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoyse Markaasay utuni beerantaa, laysku aynaba e Aafadu kolkay durugto ee, layska wada aarto Agoon dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan Adaa iile iyo eersasho, bay ku intihootaaye Afrikaanku saa inay yihiin, ma inkiraysaane Oo waan ogsoonahay intii, uu ataag dhacaye Ol-olaha colaadeed mudduu, naga dhex oognaaye Oo aqalba aqalkii ku xigay, aabi ku ahaaye Ajal dhimatay mooyee ma jirin, qolo adkaataaye Isticmaarkan sababtiisu waa, sidatan awgeede Inaguna waxaan eednay baan, ku isticmaalaaye Ma ilbixin dadkii aan lahaa, ways anfacayaane Aayaha dadkooda iyo xornimo, uma adeegaane Ubadkooda nolol dawladnimo, uma abuuraane Iskuulada kuwii soo bartay baa, ugu ifsaad wayne Ninba unug qabiila buu xumaan, la hor ordaayaaye Laba axad wax kala gaadhay, bow kala ufootaane Kamana uur gubyootaan, wixii geesi iil galaye Aqliga iyo Soomaaliyeey, waaya arageenu Aqoonta iyo garaadkeenu sow, eber ma soo dhaafo? Asaagiin sidaad uga hadheen, dib uma eegtaane Axmaar nama gumaysteen hadaan, aaya leenahaye Afkoo laga hadlo iyo waa hunguri, waxaan ku aadnaaye Na arkaaba yaabyaye xaggay, iintu naga raacday? Albaabkii furmaba way xun tahay, inaynu awdnaaye Ma ahayn iftiin baa baxaye, inaan il duufnaaye Inaan ururo badan yeelanaa, waa aqoon xuma e Awoodeena oo naafata iyo, adhax jab weeyaane Isla weynideena iyo duliga, nagu amookaysan Malaha asmaa nagu dhacdaye, ma arki waynayne Abidkiin intaad saa tihiin, ma aflaxaysaane Ummadii khilaaf galo xornimo, uma arooraane Istiqlaal waxaa lagu helaa, waa uruursaniye Ilma adeerayaalow intaan, Eebe ka cabsoono Eritrea waa xor ee intay, noo asixi teenu Innana uursamaan iyo midnimo, maan isku ogaano Tixdan waan ebyay ee wadar ahaan, saas ha ku idlaato Laakiin ma awdine midbaan, soo unkahayaaye Arinbaana ii laaban wali, O da khaas ku ehe Abwaanada kaleetee jiroow, idina aagiina Dhamaantiin af tahan baad tihiin, weedh abuura ahe Iraadadu waxay waafaqday baadse, odhan karaysaane Ninba aashi how sacaba tumo, oo hayska jiro eexda Gobonimo sidii loo askumo, uunka maqashiiya Inay tahay israac iyo midnimo, wada ogaysiiya Utumaha dhexdeena iyo tirtira, aaradoonimada U akhriya wixii ina anfaca, oo ku amar siiya Ogaadenya waa dal ee qabiil, aan iska ilowno Waa magac astaan u ah dalka, oo loo aqoonsadaye Intaad maabka eegtaan wixii, noo ismiya raaca Ikhtilaafka naga daaya waa, anfaca shaydaane Dabadeedna waa lays af garan, idam Ilaaheeye Tan ebyay ee hadana tii kalaan, soo abaabuliye Laakiin afeef gaaban iyo, ood yar baan dhigane Ilaahay jidkiisa iyo xaqaan, ku adimaayaaye Iinta iyo qaloocaan rabaa, inaynu awdnaaye Macnaha yaan xumaan loo awilin, waan af dheerahaye Hadba orotanada doorashada,ururka guulaysta Oday reer u weyn bay micnaha, uga ekaadeene Sidaa aawadeed waa inay, aaminaan samire Anshax iyo xishood waa inay, ku amranaadaane Waa inay astaantoodu tahay, sir iyo aadaabe Haday aaran fawda noqdaan, laga ugaadhowye Dadkuna ma indha beeline macnaha, wuu arkahayaaye Ujeedada hadii aanan ka gudin, een runta abaaro War waa laydin eedaynayaa, ururka JWXOw’ e Ashtakooyinkiinaygu badan, goor iyo ayaane Intaa waxaa la ii sheegayaa, iimo fara wayne Afbay labadi wada qayliyeen, odayadiiniiye Wayna naga ufoodeen dadkii, ooda nala yiile Ma aqaan wax laynagu arkayee, nooma uur sama e Inamo iyo haween iyo caruur, ubada mooyaane Wax la yidhi aqoonyahanadii, waydun erideene Wax la yidhi indheer garadka, waad ka anfariirtaane Ixtiraami waydaa la yidhi, aabihiin rumahe Allana kama baqdaan baa la yidhi, aalayahay baase Waxaad uruurisaan iyo wixii, aadmi noogu deeqo In yar lagama haystaa la yidhi, unug dhaqaalaade Alla magane taariikhdii baad, soo af qabateene Abtirsiimadii meel dhaw baad, ka isticmaasheene Axmed iyo darwiishkii ilaa, ururadii geeshka Halgankii ilkaha laysku cunay, ee rag ku idlaaday Halgankii uluuf iyo uluuf, lagu agoonteeyay Aastaa la leeyahay wixii, uunku soo maraye Afar iyo shan sano oo qudha, baad ka ictiraafteene War ma uurki laawuu ahaa, ciidankii Aga-bar? Ii sheega Duufaan maxaa, lagu ihaanaystay? Abaalkoodu mee Dhaarsane, iyo ururka Yaasiina? Xagay aaday Yaacdo iyo kuwii, Xabashi iimeeyay? Sidee uga ufooteen raggii, iibshay noloshooda? Arin kama rabaan baa la yidhi, aynigii hora e Siyaasada af-duubtaa la yidhi, dhawrka inanow e La aqoonsan waa meesha aad, ka il-dhabaysaane Olyatiibadiinana la waa, aaga ay tahaye Argagixiso waynbaad shacbiga, ula ekaateene Ashkatada dadweynuhu haday, saa run ku ahaato Xornimadu inay aawadiin, la indha beelayso Idaacadu ma fiicnee hadii, marag la soo oogo Aasaaski hadafkeena guud, saatan ma ahayne Albaabkii xaqana baadhil baad, uga abraarteene Anbad iyo dayow baad gasheen, ooma soora ahe Aqlina kuma hadlaysaane, waad alaladaysaane War ogolaada khaladkaad gasheen, hays adkaynina e Istiqaalo dhiiba oo cafisna, ehelka waydiista Ninbana wuxuu abaalkiisu yahay, la arki doonaaye Insha Allaahu gabaygayga waan, soo ebyahayaaye Aakhirul kalaamkii hadaan, saan il bidi sheego War kolka hore adoomaan nahee, Eebe ka cabsooda Axdigaad ka qaadeen Rabbiga, oofsha tabartiina Waa laydin iiliye qabriga, uurka ka ogaada Aakhara xasuusnaada waa, lays abaal marine Yaan lakala irdhayninee khalqigan, ooda wada yaala Dhamaantoodba uugaamiyoo, ururkan xoogeeya ONLF yaan qoys la badin, waa arlaa’igane War waa urur siyaasiyahe yaan, cidina aanaysan Ikhtiyaarkii weeyaan mabda’a, ruuxa aamina e Dad ayidahayaa jira’e yaan, ooda laga saarin Anaa idhi ha laga daayo iyo, amar ku taaglaynta Afartii Absame Kuumade iyo, duqa adeerkooda Aabo iyo hooyaa dhalee, aasa godobtooda Ixtiraam ku maamula wixii, culimo reer Aw ah Akishe iyo Bursuug yaan xumaan, uurta loo galinin Il qaloocan Garri Koombe yaan, cidi ku soo eegin War waa eheladeen Jaarsuhuye, saa hala ogaado Yaan ooda Ciise iyo Gur-gure, eedi naga gaadhin Aqoonyahanka Godobiirsay yaan, erey xun loo gaysan Iyaga iyo Ilaahood wixii uurka, noo daba e Ixsaankooda Reer Sheekh Isxaaq, aad u sii badiya Hana lakala asluubsado wixii, ubaxa Daarooda War yaynaan ka aargudan Harti ee, nabad ogaysiiya Haday uur gumaar noo qabaan, duulku waa ehele Inagaba il gaara baa jirta, oon ku aragnaaye Ergo sama abuura ah u dira, oo islaax dhalisa Hawiyaha aan aanaysano iyo, Irir wixii sheegta War waa reer awowgeen Dir kuye, duca ha loo aado Garre odayadiisa iyo la shira, waaya aragiisa Axdi dheer la qaata oo Gurrena, la itisaal yeesha Garriire na hadii ay umlaan, yaan lasii erinin Is ogaada oo Baydislaha, aag kawada duula War aqoonsada Dagoodigu, inuu yahay dad iimaan leh Inta aad albaabka u furtaan, eega dariskiina Yaan lala akeekamin wixii, Tima Adayg sheegta Ururka ay Gabooyuhu dhisteen, waa inaga uune War anfaaciga wadaaga oo tashiga, siiya eraygooda Soomaali idilkeed dumoo, uubato u qaada Aafooyinkii yaan wax dhacay, la isu aanaynin Dadka wixii Islaam ahiba waa, ul iyo diirkeede Ereygii rasuulkeenu yidhi, aynu ka adeecno Ha is raacdo mooyee wax kale, uurku yuu gocanin Insha Allaahu saasaan rabaa, inay ahaataayeShariif Dheere ayaa ku deeqay. Mahadsanid

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r