-
Ugaasoow toban xaaloo
-
Ta’da looxa ku taalloon
-
Laga toosi karaynin
-
Bal ma kuu tiriyaa
-
Tawfiiq Ciise-madoobiyo
-
Talyankii Faranjaa leh
-
Teendho reer Berberaad iyo
-
Turkigii xukumaa leh
-
Tuhun shuunka Axmaariyo
-
Nin la soo tashadaa leh
-
Talo waa Boqor baa leh
-
Asagoo malab tuukhsan buu
-
Macaluul mid la taagan
-
Tiigsin dheer la dhacaa
-
Kolkaasuu turtuqaa
-
Nin maroodi taxaabay
-
Oo abees tunka saartay
-
Inuu aayar taxaasho
-
Taana wayna ahaanin
-
Torog dheer ninka fuulayee
-
Laba tiirri afeystay
-
Oo tuur bannaan cido geystay
-
Oo timaha Reer Dalal sheegtay
-
Isla taakulin mooyeen
-
Anaa kuu talinaaya
-
Taana wayna ahaanin
-
Tolkii aynu naqaannay
-
Ogaadeen taladiisa
-
Taan idhaahdo uun mooyeen
-
Tu kaleeto ma joogto
-
Taana wayna ahaanin

Guraase Xaaji Cali
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment