Jiiftadan wuxuu Maxamed Stanza kaga waramayaa dhibaatada gummeystuhu dhallinta iyo mufakiriinta dalka u geysto iyo sida ba’an ee uu u curyaammiyo una cabbudhiyo garaadkooda waddaninimo. Wuxuu u bixiyey Gummeysiga kuna bilaabay:
-
Sidii bey gantaaladu
-
wali iigu go’ayaan
-
oon u garab bannaanahay
-
sidii bey gabbaad-daran
-
gacal male shisheeyee
-
wali ii giriifaan
-
sidii bey gabbaantii
-
iiga gaagaxshaanoo
-
aan u gibilmadoobahay
-
sidii bey gun weeyee
-
iigu giijiyaanooy
-
ii goondhabeeyaan
-
sidii bey galgalintii
-
iigu gooddiyaanooy
-
ii gacanbidxeeyaan
-
sidii bey garneylkiyo
-
gudban miino-jalaftii
-
wali iila gaadaan
-
sidii bey gawaaridu
-
gurxan iigu dhaafaan
-
oon u garabrucleeyaa
-
sidii bey gudgudihiyo
-
gugu iigu hooraan
-
oon la-ii-garwaaqsanin
-
anna gaabin maayee
-
gobaad maansadeydaan
-
gaashaan xariirtaa
-
Sidii bey gujadi iyo
-
gurro iigu qariyaan
-
ooy ii gabraaraan
-
sidii bey gammuunkiyo
-
fallaadh ii gig-siiyaan
-
ooy ii gandilayaan
-
sidii bey gamboolkiyo
-
dhiillo ii gujixiyaan
-
oon u gaardaymoodaa
-
sidii bey gashaantiyo
-
garoob ii yiraahdaan
-
maxaa sidatan kuu galay
-
sidii bey gurboodkiyo
-
nimmaan iga golrooneyn
-
giddi ii huruufaan
-
sidii bey gubnood iyo
-
gaaheyr iigu sheegaan
-
oon galiilyo ooyaa
-
sidii bey gammaankiyo
-
geela iiga qaadaan
-
guluf iigu kiciyaan
-
sidii bey garaadkiyo
-
gadhka iiga laadaan
-
ooy iigu gaydhaan
-
anna gaabin maayee
-
gobaad maansadeydaan
-
gaashaaxariirtaa
-
Anoo gaban ohoo dihin
-
ayuu gacalayaaloow
-
I caddaaday guudkii
-
anoon gaajo arag wali
-
gu’ labaatan sano jira
-
ayaan golongol liicaa
-
giiryaale ma ahiye
-
gabbashada waxaa I baray
-
gummeysigan I daashaday
-
haddaan la I gummaadeyn
-
gayigeygu ladanyahay
-
gabayada ma curiyeen
-
guhaad-olalka aan qabo
-
wadnaha gaararkiisiyo
-
waa mid gubay jirkeygii
-
geenyadeenna oo dilan
-
gayigeenna oo dhacan
-
gamma’ waa iga xaaraan
-
garac uu Tigree dhalay
-
gabdhaheenna oo sida
-
sideen guri ku jiifnaa?
-
Anna gaabin maayee
-
gobaad maansadeydaan
-
gaashaan xariirtaa
-
Geesiyada halgammayoow
-
guubaabadeydiyo
-
bal guddoomma maansadan
-
burhaan gummaca’ weeyoo
-
geeddi socodka guushaan
-
ku gargaar isleeyahay
-
kuwaan gacal wadaagnoow
-
geeraarkii ismuu dhimmin
-
garashana halkeedii
-
golaheennan guudoow
-
faras kaa ila gaabshee
-
inaan gudhay ha moodina
-
gaagaabtaa ureysiyo
-
giddi gaalo-qudhunleey
-
waan ka gacansareynaa
-
gabadhaan jeclaayeey
-
gobolku wuu xoroobiye
-
iga daa gubtaanyada
-
Gini oo ilmada qubi
-
inaan gogol caweynaa
-
waa guuldarriyo ciil
-
gaatirloow Wayaanaha
-
inaad gowracdaan iyo
-
geerida ka doorbida
-
anna gaabin maayee
-
gobaad maansadeydaan
-
gaashaan xariirtaa
-
Waxa aan la golongolay
-
ilmadu iiga gobo’leyn
-
garab gorayo weeyaan
-
guuleystayaaloow
-
guntada oo gurmada oo
-
marna yaan la gabi dhicin,
-
giddi gaydha oo kaca
-
gabdhihiyo raggeennoow
-
geerida ha diidina
-
guyaal iyo guyaal bey
-
na gidhaashayeenooy
-
guunyana na dhaafsheen
-
gabbalkoodu wuu dhacay
-
oo gabaabsi weeyee
-
haraatida ku giijiya
-
gobanimadu waa dahab
-
ninkii gini ka doortoow
-
gunnimiyo gaf weeyaan
-
siyaasadan gurracanee
-
goodku uu ku ladhanyahay
-
yaan lagugu gaacinin,
-
diida gaboodfalkoodiyo
-
gunnadooda boogta leh
-
go’aankeennu gacan hadal
-
anna gaabin maayee
-
gobaad maansadeydaan
-
gaashaan xariirtaa
-
Inkastoon gabyaa iyo
-
geeraarshe caanbaxay
-
garruud aanan wali noqon
-
ma garoocsha goolkoo
-
gallad-Eebbe weeyee
-
xaqaan ugu garbeeyaa
-
ka gaboobi maayoo
-
gacanteydi midig iyo
-
garoonteydi weeyaan
-
markuu geelu horanyahay
-
goray ugumma heesoo
-
waa godobtirkeygii
-
rag baan gabiga dheer iyo
-
midka gaaban ee sare
-
gacan ooga haadshaa
-
gabbal dhac iyo waaberi
-
marka la isku geeyaa
-
gundhiggaa u doorroon
-
waxaan uga gol leeyahay
-
dhulku gees illaa gees
-
guul-oomman weeyaan
-
anna gaabin maayee
-
gobaad maansadeydaan
-
gaashaan xariirtaa.
Be First to Comment