Press "Enter" to skip to content

Guddoomiye Muungaab oo qaabilay Feeryahanadda Ramla Cali

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaabilay feeryahanadda Soomaaliyeed ee haysata horyaalka caalamiga ah Ramla Cali Axmed.

Guddoomiye Muungaab ayaa Ramla guddoonsiiyay Billad sharaf, si uu ugu muujiyo qadarin iyo bogaadin ay ku mutaysatay guulaha ay ka soo hoysay ciyaaraha feerka caalamka.

Ramla Cali oo maalmahan ku sugnayd magaalada Muqdisho ayaa dhawaan ka heshay BiBilasharaf Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay magaca Soomaaliyeed si weyn ugu meteshay fagaaraha caalamka, kuna soo bandhigtay sumcadda iyo kartida gabdhaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xusay in ay ka go’an tahay taageerida iyo horumarinta ciyaaraha, garab istaagga ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dalka ee dhammaan heerarka Olombikada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r