Press "Enter" to skip to content

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka oo kormeertay safaaradda Soomaaliya ee Pakistaan

Islamapad (SONNA): Guddomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin  Samatar iyo Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Pakistan ayaa maanta kormeeray safaarada dalkeena  ee ku taala magaalada Islamabad.

Wafdiga waxaa halkaas ku soo dhaweeyay danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo masuuliyiinta safaarada, waxaana uu warbixin ka siiyey xaalada guud ee dadka Soomaliyeed ee ku nool dalka Pakistan gaar ahaan ardayda.

Ugu danbayn Gudoomiye Sacdiyo ayaa uga mahad celisay soo dhawayntaaa kuna amaantay shaqada fiican ee ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, waxaana ay ku dhiiiri gelisay in la sii xoojiyo adeegga safaaraddu u hayso dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r