Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha SoDMA oo madaxda sare ee dalka uga warbixiyay waxqabadka hay’adda

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha hay’adda, maaraynta musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah ee ay SODMA qabatay tan iyo markii la aasaasay, xilli ay halkaasi kormeer ku tageen madaxdu.

Guddoomiyuhu wuxuu iftiimiyay sida ay hay’addu uga jawaabtay xaaladihii degdegga ahaa ee ka dhashay abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo sheegay in gurmad degdeg ah lala gaaray kumanaan qoys oo Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa dhismaha bakhaarro casri ah oo lagu kaydiyo gargaarka degdegga ah, si loo hubiyo in masiibooyinka laga gaadho meel kasta oo ay ka dhacaan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si taxaddar leh u dhagaystay warbixinta Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay qaddarin iyo taageero ay u hayaan shaqada adag ee ay Hey’addu hayso.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r