Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Gudidda Difaaca aqalka Sare oo furay tababar ku saabsan habraaca dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca

Muqdisho(SONNQ):-Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa maanta daah furay tababar ku saabsan xoojinta iyo fahamka habraacyada dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare BJFS.

Guddoomiye Aadan Cabdinaasir ayaa tilmaamay in tababarkan oo soconaya muddo labo maalin ah lagu qaadan doono casharro ku saabsan shaxda qaab dhismeedka iyo jaangoynta Miisaaniyad sanadeedka Hay’adaha dowladda iyo habka dabagalka iyo isla-xisaabtanka ay ugu sameeyaan Sanatarradu arrimaha miisaaniyadda gaar ahaan kaalinta guddiga amniga iyo difaaca Aqalka Sare ay ula socdaan dheeli tirka Miisaanyadda hay’adaha amniga dalka, kuwaas oo ku howlan xoojinta amniga dalka iyo cirib-tirka kooxaha argagixisada.

Xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xaaji Geedi oo isna madasha ka hadlay ayaa ku boorriyay ka qayb galayaasha in ay kaalintooda ka qaataan kulankan muhiimka ah, soona bandhigaan aragti, falanqayn iyo dood wax ku ool ah oo wax ku kordhinaysa fahamka miisaaniyadda iyo horumarinta qaybaha hay’adaha Amniga dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r