Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Fuddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Amran Axmed Xasan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay qaabilaadiisa ayaa uga warbixiyay doorashadii ka dhacday maamulkaasi, xaaladda deegaanadda maamulka Waqooyi-Bari, taageeradda ay u baahanyihiin Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ee isugu jirta tababarada iyo aqoon kororsiga Xildhibaanadda iyo sidoo kale howlwadeenadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay dadaaladii laga soo maray dhisida maamulka Waqooyi-Bari ayaa sheegay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo dhoweynayo sidoo kalena uu dhiiragelinayo Guddoonka Iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay sidii loo taageeri lahaa golaha wakiilada ee maamulkaasi si ay u gutaan howlaha horyaala.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r