Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha golaha shacabka oo furay kulanka banbaxa guddiga joogtada ah

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, kaas oo sedax maalmood socon doona.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u sheegay in kulanka banbaxa uu socon doono mudo sedax maalmood ah islamarkaana inta uu socdo lagu dejin doono ajendayaasha kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka, waxa uuna xubnaha guddiga joogtada kula dardaarmay in maalmaha uu kulanka socdo ay dardargeliyaan ka doodista Ajendayaasha kalfadhiga todobaad islamarkaana ay muhiimad gaar ah siiyaan shuruucda horutebinta u leh horumarka dowladnimo ee dalka.

Kulankan ayaa maalmaha uu socdo xubnaha guddiga waxa ay kaga doodi doonaan ajandeyaasha kalfadhiga todobaad oo isugu jira shuruucdii ka haray kalfadhigii lixaad iyo shuruucda cusub ee ay Xukuumadda soo gudbisay.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r