Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta cusub ee Degmada Shingaani, taas oo ah markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo xarun rasmi ah loo dhiso degmadaas taariikhiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda uga shaqeyn doono dhismaha xarumo casri ah oo bixiya adeegyada bulshada, isaga oo ku baaqay in shacabka iyo qurba-joogta degmada ay ka qaybqaataan dib-u-dhiska iyo bilicda deegaanka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin, odayaal, haween iyo dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo uga mahadceliyey Duqa Muqdisho dadaalladiisa ku aaddan horumarinta Shingaani.

Dhagax-dhiggan ayaa calaamad u ah bilowga qorshaha dib-u-soo-nooleynta taariikhda iyo hiddaha degmada Shingaani, qaybna ka ah dadaallada lagu hormarinayo degmooyinka Gobolka

 

Banaadir.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r