Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha degmada Hodon oo ku baaqay in la qaato Kaarka codbixinta

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Degmada Hodan Cali Fahle ayaa bulshada degmada ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta, si ay uga qayb qaataan doorashada tooska ah oo dalka ka bilaabanaysa, taas oo ah fursad muhiim ah.

Wuxuu xusay in maamulka degmada uu xoogga saarayo abaabulka bulshada iyo wacyigelinta, islamarkaana guddiga doorashada uu kala shaqaynayo hagaajinta nidaamka diiwaangelinta iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Dhanka kale, Ururka Siyaasadeedka Towfiiq ayaa olole wacyigelin iyo cod-raadis ah ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, iyaga oo shacabka ka codsaday in ay codkooda siiyaan, si ay dowr muuqda uga qaataan horumarinta adeegyada bulshada.

Dhinaciisa, Cali Maxamed Nuux (Tima-Jilic), oo ah Guddoomiyaha Ururka Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ololahan uu yahay mid loogu talagalay “in si toos ah bulshada loola xiriiro, lana fahmo baahiyahooda dhabta ah,” isagoo caddeeyay in ururku uu u diyaar yahay in uu wax ka qabto adeegyada bulshada iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanka haddii la doorto.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r