Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Inta lagu guda jiray kulanka, guddiga waxay wasiirka ka dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan:
Dhacdadii dhawaan ka dhacday iridda hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, oo ay hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay; dhacdo taabatay shucuurta shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka. Wasiirku wuxuu caddeeyay in isla xisaabtanka iyo baaritaannada la xiriira arrintaasi ay socdaan.
Adeegyada kala duwan ee Isbitaalka, oo ay ka mid yihiin:
Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,Cudurrada guud
Qaybta gargaarka degdegga ah
Nafaqo darrida carruurta
La–tacaalida cudurrada HIV iyo Cancer
Qayb kasta waxaa ka howlgala dhaqaatiir takhasus gaar ah leh, sida uu wasiirku xusay.
Caqabadaha jira, oo uu wasiirku ku sheegay kuwa ugu waaweyn: shaqaale yaraanta marka loo eego tirada bukaannada badan, taas oo mararka qaarkood keenta in adeegyadu ku dheeraadaan.
Kadib kulanka, guddigu waxay kormeer shaqo ku tageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyagoo booqday qeybaha kala duwan, islamarkaana si toos ah ula hadlay qaar ka mid ah bukaannada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay guud ahaan howl-wadeenada caafimaadka, kuna dhiirrigelisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ballanqaadday in guddigu door muuqda ka qaadan doono horumarinta adeegyada iyo daboolista baahiyaha ka jira isbitaalka.




Be First to Comment