Press "Enter" to skip to content

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku jira diyaargarowgii ugu dambeeyay ee codbixinta oo la qorsheeyay inay dhacdo 25-ka Diseembar

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehelinayo Guddoomiye ku-xigeenka, mudane Saadiq Abshir Garaad, ayaa kormeer ku tagay goobta lagu diyaariyey agabka doorashada golaha deegaanka.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu diyaariyey agabka doorashada ayaa sheegay in dhamaan la diyaariyey agabkii doorashada sidoo kalena qalabka loo daad guraynayo goobaha shacabka kaga codaynayaan.

Mudane Cabdikariim ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda kula dardaarmay inay qaataan kaarka codbixinta ka hor 25-ka bishan December, oo ah maalinta loo asteeyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r