Press "Enter" to skip to content

Guddiga Doorashooyinka oo is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka bilaabay deegaanka Warane oo hoostaga degmada Xarardheere

Muqdisho(SONNA);-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaarsiiyay deegaanka Warane oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ololahaan ayaa qeyb ka ah dadaallada dalka looga hirgelinayo diiwaangelin guud oo ku wajahan doorashada qof iyo cod, waxaana Guddigu sheegay in ujeeddadu tahay in bulshada deegaanka Warane iyo nawaaxigiisa ay helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan si ay uga qeybqaataan doorashooyinka soo socda.

Bulshada deegaanka Warane ayaa soo dhoweysay gaarsiinta adeeggan, iyagoo tilmaamay in ay muhiim u tahay ka-qaybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r