Gabaygani waa gabaygii ugu horeeyay ee uu Qamaan Bulxan u diro Reer Sheekh Cabdille ka dib markii afadiisii lagu sheegay in nin kale loo dhisay. Wuxuu gabayga usii dhiibay nin la odhanjiray Aw Cumar oo usii jeeday Hargaysa si uu Qamaan dacwigiisa u gaadhsiiyo reer xididkii. Wuxuu yidhi:
1. Aw Cumar gaddoontaye haddaad naga guddaan caawa
2. Rabbi ha idin geeyee haddaad gama’mulayn weydo
3. Ood gaanbisaan socoto way galan galcootaaye
4. Guluf iyo lugooyiyo col wayn galalaftii weerar
5. God abeeso Good iyo Mas iyo goosatada hoose
6. Waddada goonyaheeda, jid iyo gawrac iyo jiitin
7. Galow iyo shinbiro gii’ leh iyo guul dariyo qoofal
8. Gulaal dhagax iyo geed-nugaal lugtiyo gacandhi sii jeedda
9. Wiyil gaatin gool iyo libaax gucummo aar yeeshay
10. Gantaaleed good iyo rasaas kugu galeelyeysa
11. Gebgab iyo cabsi iyo wixii gubaya jiidhkaaga
12. Gunti Nabbi Alla ha kaa geshiyo golaha Yaasiine
13. Gaabiyo haddaad nabad tagtaan gorarka Aw Nuuxa
14. Ismaaciilka gaanka ah haddaad war u gamuunyeyso
15. Giddigii Aw Warfaa iyo Bah-Sacad amase Guuleedka
16. Sheekhii Islaamkuba garteen gacanta saaraynay
17. Gaadhsiiya gabaygaan idhi igu gar weeyaane
18. Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay
19. Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay
20. Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin
21. Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay
22. Nabsi lama gurtee seediyaal guda ummuurtayda
23. Gadaafiyo xaq lama soo duwdee guud-caddaha miidha
24. Bacdigeed halkaad goosataan soo gadaal celiya
25. Rag hadduu gob yahay oos isgayo guurna kala waayo
26. Labaa gacallo raagtiyo lahaan gogol aan laabmaynin
27. Labana waa geshi iyo ceeb waxay kala gasbaysaaye
28. U guddiya oo midkay idinla tahay soo gadaal celiya
29. Anniguna halkii ila gudboon gees aan ula shawro
30. Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay
31. Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay
32. Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin
33. Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay
34. Gaalliyo garuur niman noqdoon haybi kala gaynin
35. Ninbana goosan kii kala kobtuu kaga gol roonaado
36. Ee gobolkii godob fool xun iyo geeri kala dhawran
37. Ee gobolkii gunfiyo Xuseeniyo garab ku taagleeyey
38. Ee gobolkii gaadhkii naftii galiyay reer Naa’ib
39. Ee gobolkii gooshigan Berbera gadaya baystaynka
40. Ee gobolkii gubantaa Isaaq, Gorayo-cawl mooddo
41. Ee gobolkii sidii Geri-goddaxley gaafan yahay suudda
42. Ee gobolkii gi’laynayood Awr gabniyay mooddo
43. Ee gobolkii sidii geenyadiyo gabadha loo jeedli
44. Ee gobolkii sida goonibaadh giirka laga toogan
45. Ee gobolkii guunyada dabtoo guran masaartiisa
46. Ee gobolkii gaws iyo sur iyo gudin ku sooryeysto
47. Ee gobolkii goojada qotee garawga fuudaayo
48. Ee gobolkii gamboolkuu lahaa gaar isaga tuuray
49. Ee gobolkii reer Aadan-Cawl gacanta saaraayo
50. Ee gobolkii dhawr webi gudboo haybti garan waayay
51. Ee gobolkii gooricii Hartiyo Gorrad la beeleeyey
52. Ee gobolkii guddoon iyo lahayn hebel inoo geeya
53. Intaasaa gayiga reer tolkay qaarba gees maraye
54. Rabbi haysu geeyee cidlaan gagafsanaayaaye
55. Guntigaan maroorsaday anoon meel isugu gaynin
56. Oon gu’gakan maantiyo dayrta gacal wallaaleynin
57. Gebi nama sugtaan dayrna waa geeddi reer Khalafe
58. Nina godobtii kama baaqatee haw gammaanaato
59. Haw gadhoodho way wada jirtaa goonyahoo idile
Isha gabayga:Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980.
Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan oo nala soo socodsii. Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey Xadiis Axmed Caabi.
Be First to Comment