Press "Enter" to skip to content

Gubadley iyo Kaaraan oo u gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Ramadaan

Muqdisho.SONNA…Degmada Gubadleey ayaa xalay tartan cilmiyeedka warbaahinta qaranka ka reebtay degmada Cabdi Casiis,halka Degmada Kaaraan ay iyaduna ka adkaatay dhigeeda Daayniile.

Degmada Gubadleey ayaa heshay 12 dhibcood,halka Degmaga Kaaraan ay iyaduna keensatay 14 dhibcood tartan ay la galeen Cabdi Casiis iyo Daayniile oo kala helay 8 dhibcood iyo 10 dhibcood.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii lix iyo tobnaad ,iyadoo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r