Press "Enter" to skip to content

Golaha Shacabka oo xilka u dhaariyay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn, Xildhihaan Cali Xaaji Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiyada Garsoorka Caddaaladda Awqaafta iyo Arimaha Diiinta ee Golaha Shacabka ayaa kulanka guddiga joogtada ku dhaariyay Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abuukar oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

Intaasi ka dib, xubnaha guddiga joogtada ayaa ka dooday Ajendayaasha kulamada guud ee golaha shacabka todobaadka soo socda iyo guud ahaan shuruucda golaha horutebinta u leh kalfadhiga todobaad, waxanay xubnaha guddiga hab gacantaag ah ku ansixiyeen Ajendayaasha gole weynaha looga doodi doono todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane, Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaalla golaha kalfadhiga todobaad.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r