Press "Enter" to skip to content

Gocasho

Sida muuqata, gabaygani wuu dhutinayaa oo ma dhammaystira, hubaalna ma aha tartiibta ay meerisyadu u kala horreeyeen. Taagtaydu intan unbay hadda heshay. Qaybta maqan keen inta hoos ku qorrana soo sax haddii aad taqaan. Wuxuu yidhi:

  • Agoow gabadhkii qowqowle da’ay, sahankii guureeyay

  • Geeddiyo nagaadiba mid way, ugu gudoonsheene

  • Gobonimada way sheegayaan, garanna maayaane

  • Godobtu uma soo waaridiyo, eed la ganac haysto

  • Garashada baqaysiyo inuu, geesi fulayoobay

  • Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay

  • Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

  • Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne

  • Miyaan kaala gaabsaday maxaad, iila garan wayday?

  • Tanood gudubto guul weyn inaad, gaadho la arkaaye

  • Gorayadu ciyaarta lugtooy, galiso mooyaane

  • In ayna meesha gaynayn ta kale, soo ma garanaysid?

  • Awr-gaal nabarkuu og yahay, la gagabi waaye

  • Gafarkaan la jiidayninee, goofka lagu tuuray

  • Gunta dharo ka jeexnayd baruur, gadowga loo saarye

  • Gaajada qamaamaysa waw, gaardaymiyo ceebe

  • Fardo guul aroor iyo cokani, looma kala goyne

  • Geelaan ceelka tubay looma darin, gaawe maax kulule

  • Gargaar Eebahay baa la siin, sharaftaa goomoone

  • Gudguduudkii waagaa u baryaye, galabba ma ahayne

  • Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

  • Gar fidaa’i lagu jiifiyaa kii baday gugiiye??

  • Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

  • Haddii awal gafuurkii xidhnaa, jiitin laga gooyey

  • Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay

  • Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

  • Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne

  • Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

  • Lib gadaanka saarnayd majirin, ood u gaardidaye

  • Hashaan soo godlaayeyba markii, layga gaagixiyey

  • Miyaan kaala gaabsaday maxaad, iila garan wayday?

  • Gurmadaha run sheegiyo itaal, beena geedada e

  • Gulufna raadkay hayaan waa curyaan, daba gurguurtaaye

  • Godobtu uma soo waariddiyo, eed la ganac haysto

  • Gabowgoobi inay soo wadoo, laaska gudhinayso

  • Imisaan galbeedka uga digay, waa gu’yaal badane

  • Wakhti aan gadoodaba dan baa, iga guclaysiine

  • Aqoon dheer haddii lala gabado, xeeshu gaasirane

  • Kolley mooyi sida loo gadiyey, garashadaadiiye

  • Gargaar iyo gunaad igu dartaa, kii ku gowracaye

  • Siddii wuxuu gandaal kuu sidaad, daba gablaysaaye

  • Meel unbaad ka gaasirantihiin, guulahay magane

  • Gagabada malihiina kale, waa il-gabadhlayne

  • Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

  • War gaaraabidhaankuu la tagay, waa gugubihiiye

  • Xuunshadii guyaal badan fadhiday, garaska baalkiisa

  • Goodaado inay raadgadoo, good ku soo fidhiyey

  • Intaan idinku guubaabshay waad, gama’sanaydeene

  • Waliba qaar gadaal soo socdoo, geesaasa kaa bixiya

  • Ood cadho garaarta u dhacdoo, kaa gilgilasiiya

  • Iyo gocondho kuu muuqataan, goor dhow filayaaye

  • Waxba kama gadayn faaladaan, jeer gunaanadaye

  • Tixda eraygaa gaashaamaneen, kaaga soo gurayo

  • Gedgeddiga saddexan baan rabaa, inay gorfeeyaane

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r