- Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda
- Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
- Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey
- Dar guryii ka yimid baa war baas iila soo galaye
- Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
- Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge
- Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille
- Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e
- Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi
- Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
- Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
- Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
- Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi
- Geb hadday maritidu soo tidhaa goor uu nala joogo
- Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
- Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado
- Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
- Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo
- Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi
- Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
- Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
- Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho
- Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
- Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
- Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
- Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi
- Gugoo da’ay aroosyada haddii gowda laga saaro
- Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada
- Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro
- waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey
- Gole igu bannaanaa wallee garab la’aaneede
- Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi
- Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe
- Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone
- Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane
- Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi
- Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye
- Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaane
- Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye
- Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi
- Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebada taagan
- Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (scw)
- Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye
- Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye
- Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin
- Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo (scw)

Gocanaya Mooyi
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment