- Gobta silicday shacabkii la siray, sahankii beenoobay
- Seerahan Salxaan sii dilay ee, Samatar ceebeeyay
- Sancadoow dameerkii sangaha, laga saraysiiyey
- Geenyada surkaa lagu dhuftiyo, baqalka soo dhaafay
- Ama sidduu suldaankii watiyo, yibirku soo guuxay
- Saaxiibyadii kala dhintayee, sooryo kala waayey
- Kacaankaa sabuubtaa watoo, saaba noo galaye
- Sinmadiina mooyee dadkaad, siiba lumiseene
- Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
-
Walee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin
-
Saaxiibayaaloow haddaan, hadalka sii raaco
- Runta sooman been sarar cuntiyo, tuugo socodkeeda
- Khaa’in dharag la seexdiyo wadani, dibada loo saaray
- Seeftuna galkay diidan tahay, saan u galinayno
- Arintaa sidadii laga jaray iyo, suumankay wadatay
- Hadaad sooba qaadana inay, suurogali wayaday
- Doqonbaa in aan calan sudhniyo, sugaysa doogaad e
- Samadaana lagu laalay iyo, sayladii Xamar e
- Dad siloonni seel dhididadaa, subag ha moodeen e
- Sixinna ha u maleeyeen saliid, loogu daray soor e
- Sunba hadashay sowd been ah iyo, sacabka reedhyoowga
- Kala socodka suuf iyo xanjada, sixiradaa hoose
- Sharcigay Siyaad iyo wataan, seediyaal xididay
- Suugaantu waa saynu nahay, eed ku socotaane
- Saacad bayna ceeb tahay inaad, seexataa gogol e
- Waa wuxuu samuud dibbi u dhali, weyl na loo sugi ye
- Sumaddana sacweyn looma rogo, saad u maqasheen e
- Saadaashi waa khalad hadaad, samo filayseene
- Shantuna waa kasoo noqo haddaad, guul u socoteen e
- Sukraadka iyo mariiqa iyo haddaan, soxolka eegayno
- Sanadaha i haystiyo wakhtigu, waygu soo kuday e
-
Masalana Siyaadoow waxaad, nagu samayseen dheh
-
Afar iyo siddii tobonka wiil, soodhka loo mariyey
- Ama uu Salxaan ugu dalacay, samir Ogaadeen e
- Nasiibkaygan siliteeyay iyo, saa anaa is baday e
- Soomalidda Galbeeddeeyna, waa tuuga sahankeed e
- Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
-
Walee aniga Ina-Saahid ahaa sidan ku noolaanin
-
Saaxiibayaaloow haddaan hadalka sii raaco
- Suryadaad maraysaba ninkii, bohol ku saynsaabay
- Sakaraadka kaagama bi’iyo, inaad sabooshaaye
- Ninka sadaqo kaa maanaca iyo, cudur sabeen jooga
- Tanag subaga kuu guma shubiyo, sixinka xoolaad e
- Nin surwaalka kaa bixiyey oo nigiskii kaa siibtay
- Skeiko dukaan taal ileen, kuuma soo gado e
- Nin sagaaro kaa qadiyey iyo, jeenni aad soloto
- Sararo gool sideed jir ah, ha sugin inuu ku siiyaaye
- Waxaanan saa u lee yahay hadaan, hadalka sii raaco
- Ogaadeenya waa u sumalka iyo, sida sabeentiiye
- Macnuhuu saleeligu ku dhacay, sababtu weeyaane
- Ogaadeen siddii sogob cayilay, sooryo loo qalaye
- Loo suuldhabaalee siddii, sabi caruureed e
- Iyagoo sagaal qad ah la saar, sibi dusheediiye
- Soomaaliyaa lagu siriyo, soo uruursada e
- Sa’da iyo Siyaadoow haddaad, siinkii kala reebtay
- Madaxda kii la saarana dibiro, suunku kala gooyey
- Sodonkaa habrood iyo intii, sabiga loo yeedho
- Ninka saaka waa nabad sitiyo, sabaydan dhiigeeda
- Ragbaaba soodhka lagu sii wadaa, soloyna loo jeexye
- Maahmaah salkeed baa ahaa, samirba taag waaye
- Waana waysha sidig iyo macnuhu, dibiga soo daaye
- Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
- Walee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin
Be First to Comment