The largest online collection of Somali poetry
Wuxuu Maxamed [Stanza] maansadan tiriyey taariikh August 22, 2003. Wuxuuna ku
ammaanayaa gabdhaha Soomaaliyeed xusayaana doorka ay ka qaataan ama ka
qaateen gobannimadoonka dalka. Wuxuu maansadan u bixiyey abwaanku Gobsanaa
Gabdhahayagu:
· Gobsanaa gabdhahayagu
· gaalada ma raacaan
· gumeystaha ma yeelaan
· kuwa gunnada qaatee
· heybaddooda gabayana
· gogol kulama seexdaan
· guri kalama toosaan
· gacal kuma yidhaahdaan
· gacan kuma salaamaan
· ubad lama gardaadshaan
· guur lama wadaagaan
· iney geyn karaan iyo
· gayaan uma maleeyaan
· giddi wey huruufaan
· kuwa gabay naftoodii
· iyo gaal u dabadhilif.
· Geesigiyo halyeeygiyo
· gabyaagiyo nindoorkana
· gallin qura ma ciilaan
· marka laisku go'ayee
· weerar lagu gawaarsado
· iyo guluf-colaadeed
· iney garab na siiyaan
· nala geeriyoodaan
· gobonimo u diriraan
· waa gad lagu gartaayoo
· gabdhaheennaa caan ku ah
· Gaarinimiyo garashiyo
· gacal sooriddiisii
· iyo edabta gaarka ah
· rag u gogoldhiggiisii
· deymo Geeny-ifaras iyo
· garaaraha gacmaha dhilan
· timo garabka dhaafeen
· gardho ay dabeyluhu
· kolba gees u liicshaan
· iyo midab guduud ohoo
· aan salguurin waligii
· gabdha wada casaan ohoo
· afku gorad-madoow yahay
· goombaar aheynoo
· xishood lagu gadaamoo
· hiddaha aan gaboodfalin
· gayigeenna mooyee
· goob laga helaa maleh
· ninkii guur u jeedoow
· bal garwaaqso weedhaa
· gabyaagii Stanza
· uu nagu guubaabiyay.
Be First to Comment