Press "Enter" to skip to content

Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiye oo ka qeybgalay olole nadaafadeed oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  iyo Safiirka Dalka Turkiye ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş ayaa saaka hoggaamiyay olole nadafadeed oo laga sameeyay deegaanka xeebta Liido; iyadoo la mataaneynaayo Magaalooyinka Muqdisho iyo konya.

Ololahaan ayaa waxaa kaloo ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir , dhallinyaro mutadawaciin ah oo isu xilsaaray nadaafadda caasimadda iyo dadweyne kale.

Guddoomiye Muungaab oo ka hadlay ololahaasi ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay tallaabadaan u leedahay bilicda  caasimadda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in cid kasta ay ka qeybqaadato nadaafadda deegaanka,gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin ama laga fuliyo adeegyada bulshada.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, oo sheegay in dowladdiisa ay sii xoojinayso taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda Muqdisho, isagoo shaaca ka qaaday qorshe lagu mataanaynayo magaalada xadaariga ah ee Konya ee dalka Turkiga iyo Muqdisho, si ayuu yiri labada magaalo ay u yeeshaan iskaashi dhinacyada horumarinta ah iyo is-weydaarsiga khibradaha maamulka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r