Press "Enter" to skip to content

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva(SONNA)-Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa ka qaybgalaya shirweynaha Caalamiga ee Ururrada Xuquuqulka Insaanka Adduunka oo maanta ka furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Wafdiga oo ay Guddoomiyaha ku wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Mudane Maxamed Haaruun Maxamuud iyo Komishiner Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa shirka maanta waxaa diirradda lagu saaray dhibaatada ka dhalata tahriibka iyo saameynta ay ku leedahay waddamada caalamka gaar ahaan dalalka qaaradda Afrika.

Wafdiga Soomaaliya ayaa inta uu shirku socdo waxaa kulamo gaar ah uu la yeelan doono hey’ado ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwa qaaradda iyo kuwa gobolka Geeska Afrika.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r