Press "Enter" to skip to content

General Odawaa Yusuf Raage oo xarriga ka jaray xarun cusub

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Taliska Guutada 6aad ee Qeybta 60aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, oo laga hirgeliyay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhammeystirka dhismahan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo awoodda iyo hannaanka hoggaamineed ee Ciidanka Xoogga Dalka, si loo dardargeliyo isku-duwidda iyo hawlgallada amniga ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan koonfurta dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka waxay sii wadi doonaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, dib u dhiska xarumaha talisyada, iyo xajinta guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r