Press "Enter" to skip to content

Generaal Sahal oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Turkiga

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga Janaraal Metin Tokel.

Kulanka ayaa waxaan diiradda lagu saaray sii adkaynta iskaashiga milateri iyo xoojinta wada-shaqaynta dhanka hawlgallada ciidan, Labada dhinac ayaa si qoro dheer u wada gorfeeyay dardar-gelinta barnaamijyada tababarka, tayeynta ciidammada iyo kor u qaadista awoodda difaaca.

Gebagebadii ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dalka Gen. Sahal Cabdullaahi waxaa u dhiggiisa uga mahad mahadceliyay garab istaagga walaaltinimo iyo taageerada hagar-la’aaneed ee ay markasta la garab taagan yihiin dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r