Press "Enter" to skip to content

Galow-Kiciye

The largest online collection of Somali poetry

Anagu gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye Gankaa naga xanuunsada waxii, gaadha Reer Hagare’e Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode’e

Uma gabayno maantuu Islaan, gaalku weeraro e

Adigana ninkii geed mudaa, waa gu’ kuu da’aye Galow-kiciye maantuu lafaha, ina garaacaayey

Gulgulaha hinjiinka ah markuu, kaga gig siinaayey

Gabla yey lahaayeen markuu, inagu guubaabshay Gamaasayrankeedii markuu, gooni cararaayey

Ee maraga goobtii ka dhacay, gerab ekaanaayey

Galamada iyo eeriga markii, lagu gujeenaayey Ee goodirkii dhalay ilmada, gabax ka siinaayey

Ma geyo ee hilbowluhu markuu, gacan togleynaayey

Ee lagu gadaanaa marbaan, go’ ilahaa ciile Ninse god dheer walaalkiis u qoday, gelina mooyaane Warsow adiga kugu soo gotaa, gamas colaadeedku

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r