Gabaygan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza]
kaddib markii gabadhuu jeclaa, muddo sannadda ah ay sheeka wadaag lahaayeen, Aabbaheed nin dalka dibaddiisa ka yimid ku daray. Wuxuu gabayga sammeeyay taariikhdu markey aheyd: July 23, 2002.
-
Inkastoon guhaad-olal qabooy, gubatay laabtaydu.
-
Ama aan galiilyoodayoon, guurabahalleeyay.
-
Ama aan gama’ba diidayoo, gibilku ooyaayo.
-
Ama aan gacalayaaloow guntaday, gulufka heensaystay
-
Gadaal bay wax iga soo cesheen, hilibku geed baase
-
Gayaankaba hablaha kacay middaan, galiyay maankayga.
-
Gacalooy middaan idhi, middi aan u gacanhaadshay
-
Guyaal iyo guyaal middaan, samo la goobaayay
-
Middaan geenya-nuuroow lahaa, goor walbiyo leylba.
-
Goobtaan istaagaba midduu, uurku goconaayay.
-
Gabbalkii guduutaba middaan, geeddan ugu dhiirtay.
-
Gundhiggeeda maansada middaan, gobo’di taabsiiyay.
-
Gabayada jacaylka ah middaan, oogu guraabaasay
-
Middaan soo gardaadiyeen, gallin la haasaaway
-
Xummaantana middaan kala gubteen, gadaf u diidaayay
-
Aabbaheed gob weeyee middaan, dabinba goobaayay.
-
Hooyadeed gaari weeyee middaan, guudka ka inshaartay
-
Gammaanooy middaan idhi middaan, ubax guddoonsiiyey
-
Gadgaddoon habeenkii middaan gogosha diidaayey
-
Inaan guri la seexdaa middaan, ugu gubaabyooday
-
Middaan dumar u gooyayeen, ugu galaalxooray
-
Garaad iyo middaan idhi, gaban ha kuu qaado
-
Middaan godob ma fiicnee, gacanta siinaayay
-
Gurigey ku nooshahay middaan, gaafwareegaayey
-
Garbigey caweysaba middaan, ugu geeraaraayey
-
Gorgor duuli iyo middaan, goodba u huruufay
-
Gayigoo barwaaqa ah middaan, gaajo dalambaabay.
-
Nin gob iyo garaad sara, middaan gacan u gaarsiiyay
-
Weerar soo gawaarsaday midduu, gummucu ii wiiqay
-
Gantaalada middaan ugu gabgabay, garabku ii naaftay.
-
Goordoon middaan ku kala guurnay ugu gafuurtuuray
-
Galbis iyo aroos wacan middaan, galab la doonaayay.
-
Guubaabadeydii middaan, ugu garbaynaayay
-
Goolkaan u oonneen markuu, maanta godol qaaday
-
Ahey! Inuu gaagaxaa waa ii, guuldarriyo ciile
-
Iney aniga igu giiratana, waa gunnimo weyne
-
Ahey! Iney garoobaysaana, gaabisnimadeeda
-
Habluhu kala garaad wacan, kala gayaan roone.
-
Goombaar iyo waxey kala yihiin, Goray haldhaagiiye.
-
Nin aan gacal wadaagnaa ku baxay, gari la moodiiye.
-
Oo geenyo tima-dheer hantiyay, gabi ahaanteede
-
Ahey! wuu i gaadaye Wallee, igama guuleysan.
-
Guddigaan kal-hore sii diraa geela dhicin waayey
-
Oo igu gaboodfalayoo howshi, gudan waayay
-
Anoo yara gammuunyooday bay, igu gabraareene
-
Anoon gudunti soofeysan bay, gaas i mariyeene
-
Waloow ay gammuun ila heleen, oo la i gawaan raacshay
-
Oo ay nin godobteyda qaba, guri u xaareyso
-
Geesi iyo gabyaa baan ahaye, way i garanweyday
-
Ma gabada nindoor baan ahaye, soo galaal kacaye
-
Iney reer tolkey ii gafeen, shacabka gaarsiiya
-
Aniguna inaan gabay ku ciilbaxay, gurun ha loo geeyo
Be First to Comment