Jiiftadan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuu tiriyay markey taariikhdu aheyd 16 February 2003.
- Gorgoryahoow lalaayee
- guuraaya leylkiyee
- garbihiisa fidiyoow
- masaafaha gudbaayee
- qaaradaha u gooshoow
- arrin iga gurracantaan
- dooni inaad gargaartood
- shimbiryahoow gorfeysee
- guurtidaada keenoo
- saaxib gacanta ii dhiib
- gayi aan jeclahayoo
- gabiib iyo barwaaqa ah
- oo loogu daw galay
- gaaguuro malabiyo
- moos gacan-muraarya leh
- gallad iyo baraar iyo
- geeda harac ohoo dihin
- adoon igu gaboodfalin
- salaanteyda gaarsii
- gurya-sama wanaagey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Gaarisaay waxaa tahay
- gayi lagu nagaadiyo
- goob loo dalxiistago
- iyo guri dugsoonoo
- geestaan waxgeystiyo
- gasar dhiillo lagu arag
- gacalkuna ku badanyahay
- hooygii waxgaradkee
- Diinta lagu gardaadshaay
- gasariir dhibaatiyo
- gaajo laga daboolaay
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Gibilkeyga oo idil
- gacaltooya aawgeed
- gabbal baad ku leedahay
- garibaxanta naagtiyo
- godadlaha nindoorka ah
- gurigoodi baa tahay
- gabbalkii dhacaayiyo
- waagii guduutaba
- dalag baa kasoo go’a
- ciiddaada garawga ah
- gobolkii dalkeeygaay
- gabayadii waxaa tahay
- gadidda iyo beecee
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Wabigii Ganaaniyo
- gacan waxaad ku taalaa
- gasariir kastoo dhaca
- aan gureynin abidkii
- waxaa gudaha joogaan
- Gareen iyo Garfaad iyo
- nooca Gabaramaanyood
- kalluun gaarba midabkii
- macdan kugu garoodheey
- dadku gacantogleeyaan
- gubba lagu dakeeyiyo
- beertii gobnimadaay
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Gabdha wada xijaabanoo
- Diinta abid gargaaraan
- asluubtooda gaarka ah
- sannada ayna gaarmarin
- oon fircooni loo gudin
- anshax loo gardaadiyoo
- edab lagu guubaabiyey
- sidi Geenya-faraseed
- gaalibaaya socodkoo
- goobaha waxbarashada
- u garbeytammaayaan
- goombaarna la ugu arag
- gurigoodi baa tahay
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Ma-gabada nindoor iyo
- geesi iyo naftiihure
- culimada garrudka ah
- ee Diinta gaacshaan
- fisqigana gummaadaan
- galleef ciraab dheer
- gabyaa laga macaashoo
- guubaabiya tolkoo idil
- gaashaan xornimadoon
- hawraarta gaarka ah
- waligii gorfeeyiyo
- gidaar aan la soo marin
- gurigoodi baa tahay
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Beera wada gingimanoo
- hoobaan gigilayiyo
- gaaheyr shindhalad baxay
- galka faraqa soo daray
- gabbaldaya la daawada
- iyo geedba midabkii
- cirifyada gadaameen
- girgirada dhir kaga xiran
- oon gidir aheynoo
- abuur uu ku gaagixin
- gabiib iyo bacriinba ah
- gabbaanoobin abidkood
- gurigoodi baa tahay
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Garanuugta Garigiyo
- Goodirka iyo Deerada
- geesleey dhammaantood
- iyo Goray-haldhaagii
- Geela iyo Gammaantuba
- goob lagu dhaqaa tahay
- gandi iyo qaniin ma leh
- kuwa garab ku duulaan
- Gorgor iyo Galleyr iyo
- Geeltoosiyiyo Galaw
- Guumeys koleey tahay
- goob laga helaa tahay
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Goolki aayatiinkiyo
- goobtaan higsanayaay
- Igadh aanan gurineey
- guuleyso waligaa
- xarun ganacsi baa tahay
- gurmago’an ha noqon abid
- gacal wada midoobiyo
- gadaalsama Allahayoow
- Guulle waxaan filayaa
- adoo gaar u joogsadoo
- gobolkoo dhan maamula
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Genbi iyo colaad iyo
- gaashaandhig cadawnimo
- saqiirgoowrac iyo ceeb
- iyo gacal dagaalama
- kaa gargaar Allahayoow
- guyaal hore wixii dhacay
- ka gilgila xummaantii
- Rabboow aad garoobeyn
- ama aad golmaran noqon
- gabaadiir abaareed
- gallad iyo wanaag iyo
- gashimeysa waligaa
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
- Goobyehey gabiibta ah
- yaa goorwalbiyo leyl
- gayigaaga daawada
- oo gees illaa gees
- gaardi socod ku soo mara
- iyo geedda-ka-ciyaar
- galabtii markey tahay
- wabigaa Ganaanee
- galbeed dacalka kaa mara
- oo biyaha gaaciyey
- gugu waa barwaaqee
- goonyahiisa daawadoo
- goombaar lama ammaanee
- yaa gabadh garmaama ah
- Geenya kugu aroosaa
- gurya-sama wanaageey
- Gaarisaay ma nabad baa?
Be First to Comment