Gabayga inta maqan iyo taariikhdiisa doon.Indhawayd farsamo gooniyaan, aad u faaqidayeSidii facaylkii waa, baan ka fooraraye??Faqa kaligay baan meel cidla ah, ula fogaadaayeFeker iyo wareer bay diliyo, faal aan ii bixineLaakiin ficil idaariyo ma jiro, cid aan ku foognaayeFahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahayeFuraashkaba haddaad weydo waa, feedho dhagax saareFoor tawsan xaajaan arkaa, oon la filanayneInta hadalka laga soo furtiyo, feedhaha iyo uurkaWaxay faaladii uga tageen, way fajacayaaneFaruuryihiyo afkuna way naceen, faafi sheekada eFahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahayeFariid nacas xun waa laga dhigaa, fool adkaan jirayeFulayna geesi waa loo rogaa, fadallo waynaaye…Furuut iyo farshiyo caano iyo, fuudna lagu qooshyeBiyo faar leh maantaan arkoo, fudad dhexyaalaaneFahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye…Tixraaca: Garnaqsi, Qore: Maxamed C. Gurxan |
Be First to Comment