Press "Enter" to skip to content

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Muqdisho,(SONNA):- Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, taas oo ku aaddan munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ee 8 Maarso.

Haweenka Soomaaliyeed waxay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo dhismaha dowladnimada, waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan halganka qaran ee lagula jiro Khawaarijta, iyagoo aasaas u ah howlgallada xoreynta iyo barnaamijyada dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud ka yihiin barnaamijka dimuqraadiyadda dalka, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la xoojiyo ka-qaybgalka haweenka ee hoggaaminta, siyaasadda iyo go’aan-qaadashada.

Ugu dambayn, waxaan ku bogaadinayaa haweenka Soomaaliyeed dadaalkooda, dulqaadkooda iyo kaalintooda lama ilaawaanka ah ee ay ku leeyihiin horumarka dalka.

Waxaan idiin rajaynayaa horumar iyo guulo joogto ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r