Muqdisho — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in sanadkan ay u sharraxan tahay in ay kursi ka hesho 15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan waligeed xubin ka noqon Golahan tan iyo markii la aas-aasay 2004-tii.
Haddaba, maxay ka tarjumeysaa musharraxnimada Soomaaliya? Maxayse tahay muhimadda ay u leedahay xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga? Su’aalahan iyo kuwo kale ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan weydiiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.
Comments are closed.