Dagaaladii Ehligaa ahaa ee ka dhaxayn jiray Ciidagale iyo Arab ayaa waxay horseedeen inay waxgarad labadaa qabiil ka kala socda isku dhabar-jabiyaan siday maslaxo iyo nabadayn uga shaqayn lahaayeen. Dadaaladaa mid ka mid ah ayaa waxaa lagu kala sixiixday heshiis. Faarax Nuur oo gabayaa caan ah ahaa af-hayeenna u ahaa Arab ayaa heshiiskaa saluugay oo u qaatay in Arab meesha lagu khaldayo ee aan wanaag laga shaqaynaynin. Wuxuu haddaba tiriyey gabaygan. Wuxuu yidhi:
-
Nimuu qaamudkiisii galayoo, qalinka loo duugay
-
Jeeruu qarfooluhu nin weyn, qadada weydaarsho
-
Waa qaafil jeer ay indhuhu, qac u yidhaahdaane
-
Qabkii weli ma dhigin Ciise Dhamal, laysku qoonsadaye
-
Waa waxay qarqoor leeyihiin, waxaan qoyaamayne
-
Haddaan nabadda loo wada qastiyin, wayska qiil jabane
-
Waataa ragii qoomanaa, qaar xabaal yahaye
-
Goor maad run uga qaadateen, qaan yaraa dirirku?
-
Qabbi hadalka lagu laankalaan, qaar ka saamixiye
-
Waa lagu qiyaamaynayaa, Arabka qaarow ‘e
-
Bal qilaafka daya geeddigaa, idin qaddaacaaya
-
Qayrada xagee lagu wadaa, qadow ka meeraysa
-
Qaandhaawahoodii maxaa, qoriga loo siistay
-
Qaalmaha rasaatii maxaa, loogu wada quudhay
-
Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
-
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
-
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
-
Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo
-
Qiyaamada kobtaa daahir ah, aan qun ugu soo jeedo
-
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
-
Ma anaa miniyo lay qarshaa, laygu qali doono
-
Qaafada Ismaaciil Jibriil, qoonka Sacad Muuse
-
Awalkaannu qaadhaanka guud, qeyb wadaag noqone
-
Qaaliga Albaasaan ka dhigi, qaadhka naylaha’e
-
Qajajuu ha dilo geelayaga, qululka dayreede
-
Qooriga Afmeer iyo Siigodan, qodax ladii Tuurta
-
Qar waraabe iyo goob intay, karintu qoynaysay
-
Qool Caday iyo Laan Dheer halkay, qun uga soofaysay
-
Ka qammaadnay goolkiyo wankii, qarada weynaaye
-
Qolqolkaan isaga muuqaniyo, qayd la wada ooto
-
Qadhiidhka iyo daankaanu nahay, qaranka Guuleede
-
Inaan haatan kala qaadanaa, Qaadir soo rogaye
-
Qatadeenii kala laasanay iyo, qulufkii shaydaane
-
Waaryaadha kala quusanaye, qoomamo la’aada
Be First to Comment