Press "Enter" to skip to content

Faarax Dawaara (Qaa’id)

 
Tixdani waxay muujinaysaa wadaninimada iyo dadaalka qaaliga ah ee uu mar walba Mudane 

Faarax Macallin Dawaare oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee 

Kenya la garabtaagan yahay walaalaha soomaliyeed. Wuxuu yidhi: 

 
- Qorshahuu addoonsigu wataa, waa mid qara weyne
- Siyaasada qarriban waa horey, qalin ku duugeene
- Waligood waxay qaybiyaan, qoys walaala ahe
- Markaasay qiddada kii fahmaa, qalad ku sheegaane 
 
- Mar kastoo Soomaalida qas iyo qaab, xun lala doono
- Mar kastoo qayaamiyo sir iyo, dabinna loo qoolo
- Waxaad tahay qareenka u hadloo, diiday quudhsiga e
- Waxaad tahay luggooyada qarsoon, geesi aan qarine 
 
- Qalloociyo xumaatada mid aan, qaadan baad tahaye
- Qarnigaynu joognaa halyey, qayb galaad tahaye
- In kastooy wax badan noo qunmeen, qaa'idnimadaada
- Qiyaas malaha maandhoow intay, hawl qabyo ah taale
- Qaranka u adeeg Faaraxoow, qabatay hawl wayne
 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r