Press "Enter" to skip to content

Faarax Caytame

Gabayada hal-xidhaalaha ah ee caan ka ah aadna loo yaqaano waxaa ka mid ah tixdii wada qafilayd ee uu tiriyey geeraarshihii la odhan jiray Faarax Caytame. Faarax wuxuu tixdaa oo la furi waayey kusoo gabagabeeyay Silsiladii Halac Dheere ee mudada socotay. Raggii barigaa calanka maansada xambaarsanaana ay badi uga qayb galeen. Wuxuu Faarax wax ku hal-xidhaalaynayaa aqoonta xidigiska, xisaabta, juquraafiga, iyo axkaanta diinta dirkaba. Wuxuuna hal-xidhaalaynayey rag ay ka mid ahaayeen Cali Sharmaarke, Cali Dhuux, iyo Gooni. Tixdaa wuxuu Faarax tiriyey kun iyo sagaal boqol iyo dhowr iyo tobankii, ha yeeshee raggii loo jeediyey way furi waayeen, ilaa maantana cid aan og nahay oo furtay ma jirto. (Idaajaa.) Wuxuu yidhi Sheekh Faarax:

 1- Maansada rag badan baa yaqaan, maritinkeediiye
 2- Maqtalkaa la kala joojiyaa, mid iyo caynkeede
 3- Adiga oon u meel dayin inaad, madal ka soo heesto
 4- Muran uun inaad keen tidhaa, mahabbanayn saase
 
 5- Allay lehe Majeerteen sidaad tahay, ma moodayne
 6- Waxaad aragga kaga miidh caddayd, maqalladaadiiye
 7- Maxamuud Saleebaan markaad, qaylo dheer marisay
 8- Maxaa kaa maqnaa ood qalbiga, uga madoobaatay?
 9- Maxaa maanka kaa qaaday ood, meel la ladi wayday?
 10-Ma madax baa lagaa laayay iyo, niman maqaawiir ah?
 11-Ma magan baa lagaa qaaday iyo, midaad ku ceebawday?
 12-Ma Maal baa lagaa dhacay lag iyo, kun iyo maahiir ah?
 13-Mise waxaad martida siisay baad, lacag ka miisaantay?
 14- Miskiin gudub la wayn baad tihiin, waana loo marage
 15- Ingiriisba "Mid-Way"1 ka samir, mulug wax saaraaye
 16- Madhiyaana xeedhada maxaad, uga muraad yeelan?
 
 17- Afartaa macneeyaye masalo, maandhaw iga hooya
 18- Awalbuu malkada seegay ooy, marin habawsheene
 19- Sayid Maxamed iyo Caamir muu, socotodood maago
 20- Iyagaan mitimiyeen anfaco, amase maalkiiye
 21- Bal maxuu Hartiga maanka fudud, ugu masaafooday?
 
 22- Afartaa Macneeyaye masalo, maandhaw iga hooya
 23- Cirka mawjaddiisii haddaad, meelo ka xisaabto
 24- Midkee curad ah meecaadda iyo, godanta moolkeeda?
 25- Kobta qaalibkeedii ka maro maalintii Axada
 26. Xageebaa dawaarku u maraa falaga meeraaya
 25- Meeshay Aljaws ka marmaan, ma aad taqaaniin dheh?
 
 26- Ma ekayne saacaduhu ways, daba maraayaane

27- Meelaha dharaartii badnaa, ma’a taqaaniin dheh?28-Ayaanta iyo manaasiisha iyo, magac siyaariinta29- Midba siday mid ugu waafaqaan, ma’a taqaaniin dheh?30-Mushtarkii mariikhii haduu, meelo ka khilaafo31-Macnahay tarbiica u noqdeen, ma’a taqaaniin dheh?32- Cisho qudha dayaxu waa maraa, naas madoobaha e33- Suxalkuna marxaladooyin buu, bilo dhex maaxaaye34- Orodkoodu waana isku mide, ma aad taqaaniin dheh?37- Biyaan wayso kuu maydhihayn, dharabsi mooyaane38- Manfacadana kuu karinaya oo, lagama maarmaan ah39- Gabagabo markaa kaa ansixin, ma aad taqaaniin dheh?40-Nin Muslim ah asaan naagihii, meher u haynaynin41-Bal waxa mashaqadaa lahaa, ma’a taqaaniin dheh?42- Nin Maroodi raadsaday hadduu, gabas mariideeyo43- Mudutuusha waxuu fiiriyoo, malamaleeyaaba44- Muuqiisa goortuu arkoo, gadafka soo mooday45- Wax marxal ah meel fog iska taag, orodna maanshawye46- Waran caaraddii lama maro, iyo miciyihii Aare47- Abidkay nimaan moogtannaa, ima majiiraynne48- Haddaydaan masaladaa furayn, maansadaan tiriyay49- I maqlaay fagaaraha, muxuu uga uga madiixaayey?1) Mid Way wuxuu ahaa markab Ingiriisku lahaa oo xilliyadaa la gubay.Haddii aad rabto Maax Cabdi Dhabase na ugeeyoo gabayga inta ka maqan bal soo raadi.Maxamed Rashiid Sheekh Cabdullaahi ayaan ka saxnay.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r