MUQDISHO — Todobaadki hore waxaa magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Axamed Maxamed Xasan (Axmed Dheere), oo ka mid ahaa duuliyaashii ciidamada cirka ee Soomaaliya, kaas oo lagu xasuusto diyaaraddii miiga aheyd ee uu ka dajiyay Jabuti, iyadoo dowladdii milatariga aheyd ay u dirtay duqeyn cirka ah in uu ka geysto Hargeysa.
Afarti bishaan ayaa xarunta Jaamacadda Muqdisho lagu guddoon siiyay Duuliye Axamed Dheere, billad geesinnimo oo ku muteystay tallaabadaasi. Sidoo kale waxaa Muqdisho loogu sameeyay isu imaatin ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin, aqoonyahan iyo dad kale oo lagu soo dhaweynayay Duuliyaha.
Haddaba, ku soo dhawaada qeybti koowaad ee wareysi dheer oo uu Duuliyaha la yeeshay Nur Hassan Nur, iyadoo qeybaha kale ee wareysigana aad u ku dhageysa doontaan, idaacadaha galabta iyo caawa. Ugu horeyn Duuliye Axamed ayaa ka warbixinaya soo dhweynti loogu sameeyay Muqdisho.
Dhageystayaal, qeybo kale oo wareysigan ka mid ah waxaad ku maqli doontaan idaacadaheenna galabta iyo caawa.
Comments are closed.