Press "Enter" to skip to content

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee Midowga Yurub ka wado Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa la xiriira dowlad-dhiska, xasilinta iyo adeegyada bulshada.

Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, halka Danjiruhu ay ballanqaadday sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo horumarka iyo dimuqraadiyaynta magaalada Muqdisho

Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhinaceeda xustay sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada dhinacyada horumarinta, amniga, dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dhabta ah ee shacabka reer Muqdisho.

 

 

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r