Press "Enter" to skip to content

Ducaale Dheere

The largest online collection of Somali poetry

Ducaale wuxuu ahaa gabayaa ay maansada isku hujuumi jireen Salaan Carabey. Gabayo badan oo is daba socda ooy isu tiriyeen ayaa jira, midkan aan dhawrka beyd een wada saxnayn ka haynana kuwaa ayuu kamid ahaa. Meel laga heli karo haddii aad og tahay kan iyo kuwa kalaba nala soo socodsii. Wuxuu yidhi:

  • Soofoow sarkaalkuba marbuu, sahayda waayaaye

  • Saabaanka waa laga tirshaa, suudi-daarrada e

  • Inaan waayo saranseer ahaa, saa anaa faraye

  • Samri waa Salaankii wax badan, layga saamaxaye

  • Sawdkii horeetiyo Cawaan, kaga sariigtaaye

  • Suryadaan fadhiistaba qolaan, summad ku duugaaye

  • Oo lagaga soocaa naflaha suunta wada yaalle

  • Saableyda meeshaan u dhigay, Saahid baa garanne

Soo dhamaystir…

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r