Press "Enter" to skip to content

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Shacabka iyo Dowladda Pakistan,kadib qarax lala beegsaday masaajid ku yaalla Islamabad

Muqdisho(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ula wadaagaysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan murugada ka dhalatay qaraxii ka dhacay masaajid ku yaalla xaafadda Tarlai ee Islamabad xilli lagu guda jiray salaaddii Jimcaha, kaas oo la sheegay inuu sababay dhimashada ugu yaraan 31 qof iyo dhaawaca 169 kale.
Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa dhammaan dadka ku dhaawacmay.
Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhammaan falalka rabshadaha ah ee lagu beegsado rayidka iyo goobaha cibaadada, waxayna mar kale adkaynaysaa garab-istaaggeeda Pakistan ee dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, amniga, iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r