Press "Enter" to skip to content

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Muqdisho(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxay ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).

Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkaynta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqaynta caalamiga ah ee wax ku oolka ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti, iyada oo hoos imanaysa hoggaanka xikmadda leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya. Dadaalladan ayaa door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Suudaan, taas oo ka tarjumaysa isku-duubnida goboleed iyo mas’uuliyadda wadajirka ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r