MUQDISHO — Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo "NISA" ayaa xalay shaacisay, in duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay, horjooge ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee kooxda.
Bayaan kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay, in Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Ceelbacad ee degmada Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa noo diyaariyay, Cabdulqadir Samakaab.
Comments are closed.