Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka JFS Mudane, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in qiimo dhimis lagu sameeyay adeegyada Xajka sanadkan 1447 H/2026 M.
Wasiir Mukhtaar Roobow, oo ka hadlayay munaasabadda daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026 iyo Xiritaanka xajkii sanadkii hore ee 1446/2025, ayaa sheegay in iyadoo la tixgelinayo baahiyaha xujayda Soomaaliyeed sanadkan qiimo-dhimis lagu sameeyay kharashka Xajka, waxaana laga dhigay $4,543.
Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalinta Afarataad ka gashay bixinta adeegyada dunida Islaamka, isagoo ugu mahad celiyay dowladda Sacuudiga oo door weyn ku lahayd bixnta adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin Xujeyda.
Qiimaha kharashka Xajka ee sanadkii 1446 ayaa ahaa $ 4604 oo dollar, wuxuuna Wasiirku ballan qaaday in ay sii fududeyn doonaan kharashka.
Be First to Comment