Press "Enter" to skip to content

Dowladda oo mideyneysa aadaanka iyo qudbadaha

Muqdisho-(SONNA)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka JFS Mudane, Ibraahim Aadan Ibraahin (Nadaara) ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin diiwaangelinta masaajidda gobolka Banaadir iyo mideynta wakhtiyada aadaanka salaadda.

Agaasime Nadaara “Wasaradda ayaa ku howlan diiwaangelinta masaajidda iyo mideynta wakhtiyada aadaanka salaadda, iyadoo uu qorshuhu yahay in laga hirgeliyo dalka oo dhan”.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa sheegay in la mideynayo qudbadaha, lana horumarin doono aqoonta mu’addimiinta iyo Imaamyada Masaajidda dalka.

Mudane, Ibraahim Aadan (Nadaara) ayaa sheegay in ay Wasaaraddu ay yeelatay markii ugu horreysay xarun ay ku shaqayso, haatanna ay socoto howsha dhismaha xarun dhexe oo ay leeyihiin culimada Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay waddo sanadkan qorshaha diiwaan gelinta Zakada iyo waqafka, taas oo ka qayb qaadanaysa isku filnaashaha dhaqaale ee bulshadeenna iyo shaqa abuurka ay u baahan yihiin dhallinta Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r