Press "Enter" to skip to content

Dowladda oo faah-faahin ka bixisay howlgal lagu dilay horjooge katirsan khawaarijta

Hiiraan(SONNA): Howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), kaas oo Argagixisada u qaabilsanaa sirdoonka magaalada Beledweyne.

Howlgalkaas, oo si guul ah ku dhammaaday, waxaa fuliyay geesiyayaasha difaaca dadka deegaanka ee macawiisleey oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horjoogaha la dilay ayaa si toos ah loo bartilmaameedsaday xilli uu fadhiyay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla deegaanka Mabaax, waxaana laga soo furtay qori AK-47 ah iyo bistoolad uu watay.

Horjooge Cali Qoyane ayaa hore u maleegay qaraxyo iyo weeraro argagixiso oo lagu dilay masuuliyiin iyo dad rayid ah, wuxuuna dhowr jeer oo hore ka badbaaday howlgallo loo qorsheeyay in lagu dilo, balse xalay ayaa lagu guuleystay in la khaarajiyo.

Howlgalka xalay wuxuu muujinayaa geesinimada iyo dadaalka joogtada ah ee geesiyayaasha difaaca deegaanka ee macawiisleyda iyo taageerada dowladda, si loo xaqiijiyo amniga bulshada, loona hortago falalka argagixisada.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r