Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in warbixintani ay tahay been abuur, marin habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri ma jiro heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo ay Soomaaliya la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteenna ama qaybinta gargaarka horumarineed.
Be First to Comment