Press "Enter" to skip to content

Dowladda oo ahmiyad gaar ah siinaysa abaaraha iyo sugnaanta cunnada

Muqdisho (SONNA): Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha U Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada (FSCPP).

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale, waxaana kulankaan qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway, hay’adaha Qaramada Midoobay sida WFP, OCHA, UNICEF iyo FAO, Bangiga Adduunka, Midowga NGO-yada, iyo wakiillo ka socday wasaaradaha Dowladda Federaalka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta wejiga koowaad ee qorshaha FSCPP, oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda abaarta iyo amni darrada cunnada ee sii kordheysa. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay horumarka deeqihii lagu ballanqaaday shirkii Bangiga Adduunka iyo baahida loo qabo in la dedejiyo gaarsiinta gargaarka.

Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda dadaallada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, iyadoo mudnaan la siinayo bulshooyinka ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r