Press "Enter" to skip to content

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Kuwait(SONNA):- Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawacaysa madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Khudbad ay Kuwait ka jeedisay shirka degdegga ah ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa lagu caddeeyay in ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda.

Dowladda Kuwait waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madaxbannaanida dalalka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r