Press "Enter" to skip to content

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-goboleedka IGAD ee la xiriira madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaanta Koonfureed, kuna taariikheysan 16-ka Janaayo 2026, kana soo baxay magaalada Juba, ayaa lagu caddeeyay in Dowladda Suudaanta Koonfureed ay mar kale adkaynayso sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo lagu ilaalinayo xuduudaheeda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r